Ciidamada Booliska Dhoobley oo Sameeyey Hawlgallo Lagu Baacsanayo Ka Ganacsiga Maandooriyaha

0

DHOOBLEY – Ciidamada Booliska Soomaaliya ee degmada Dhoobley ayaa sameeyay hawlgallo lagu baacsanayo dadka ka ganacsada maandooriyaha noocyadiisa kala duwan, iyadoo laga fuliyay qaybo ka mid ah xaafadaha magaalada.

 

Intii uu socday hawlgalku, ciidamada ayaa gacanta ku dhigay tiro dad ah oo lagu eedeeyay ka ganacsiga maandooriyaha, sidoo kale waxaa la soo qabtay qaar ka mid ah dadka isticmaalayay. Waxaa la helay xashiish iyo maandooriye kale oo ay wateen dadka la qabtay.

Boolisku waxay sidoo kale sheegeen inay wali ku raad joogaan qaar ka mid ah dadka lagu tuhunsan yahay ka ganacsiga maandooriyaha ee baxsadka ah.

Dhanka kale, magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Kaaran, ciidamada ayaa saacadihii u dambeeyay gubay agab fara badan oo ka mid ahaa waxyaabaha maanka dooriya, kuwaas oo horey hawlgallo looga soo qabtay.

Tallaabooyinkan ayaa qayb ka ah dadaallada ay ciidamada ammaanku ku xoojinayaan la dagaallanka maandooriyaha iyo ka hortagga saameynta uu ku leeyahay bulshada, iyadoo la doonayo in la yareeyo dhibaatooyinka caafimaad, amni, iyo bulsho ee ka dhasha maandooriyaha.No photo description available.May be an image of one or more people and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here