Ciidamada Booliska oo burburiyay dhul ku yaalla degmada Boonddheere

0

BOONDHEERE (SMN) – Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa saaka howlgal burburin ah ka bilaabay degmada Boondheere ee gobolka Banaadir, halkaas oo laga rarayo dad shacab ah.

 

Ciidamada ayaa tegay xarun ay horay u daganeyd wasaaradda arrimaha gudaha, halkaas oo haatan deegaan u ahayd dad shacab ah, waxayna bilaabeen inay barakiciyaan.

Shacabka ayaa horay loogu wargeliyay inay ka guuraan xarunta oo ay usoo baahatay wasaaradda arrimaha gudaha, si loogu shaqeeyo dadweynaha Soomaaliyeed.

Goobjoogayaal ayaa innoo sheegay in saaka aroortii hore ay ciidamadu tageen halkaasi, kadibna ay xireen dhammaan waddooyinka soo gala, waxaana soconaya burburinta.

Horay sidaan oo kale dowladda Soomaaliya ayaa howlgal burburin ah uga sameysay xaafadda Dab-damiska oo iyadana ahayd dhul dan guud ah, waxaaa laga raray shacabkii deganaaa halkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here