Ciidamada Booliska oo gacanta kusoo dhigay rag burcad ah + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Ciidamada ammaanka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa booliska ayaa maaanta rag burcad ah gacanta ku dhigay, kadib howlgal ay ka sameeyeen degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir.

 

Booliska ayaa soo qabtay 2 nin oo dhac u gaysanayay shacabka ku dhaqan degamdaasi, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay taliska booliska gobolka Banaadir.

Sidoo kale booliska ayaa shaaca ka qaaday in raggan la horgeyn doono cadaaladda, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidatan;.

Saaka Taariikhda 13-05-2024 abaaro 07:30 Am Ayaa Waxaa Muwaadiniin Soomaaliyeed Lagaga Dhacay Telefoonada Gacanta Degmada Heliwaa .

Dhibanayaashii Waxay Degdeg Ula Xiriireen Xarunta Gurmadka Degdega ayagoo toos u wacay nambarka Gaaban 991 Kuna war geliyey In La dhacay. Xarunta Gurmadka ayaa Sitoos ah u Howl gelisay Ciidanka Boliiska ee u dhawaa goobta dhaca laga Geystey

Waxaan Si degdeg ah ugu Gurmaday Saldhigga Boliiska Heliwaa Kaas oo Raad Raac kadib Gacanta Ku soo Dhigey Toogadii iyo Mooto Bajaaj ay Wadteen

Waxaana lagu haayaa Saldhigga Heliwaa baaris ayaa socota waxaan la horgeydoonaa maxkamada ay Quseyso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here