Ciidamada Booliska oo gacanta kusoo dhigay rag Kufsi ka gaystay Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Ciidamada booliska Soomaaliya oo howlgal ka sameeyay degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir ayaa gacanta kusoo dhigay 5 nin oo Kufsi ka gaystay degmadaasi.

 

Qoraal kasoo baxay taliska booliska ayaa waxaa lagu sheegay in raggan ay Kufsi wadareed gabar ugu gaysteen guri jajaban oo ku yaalla waaxda Horseed ee degmadaasi.

Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidatan:-

Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa gacanta kusoo dhigey Eedaysanayaal Kufsi Wadareed  u geystey  Gabar Soomalaiyeed

Markay Taariikhda Aheyd  10-05-2024 abaaro 06:00pm Fiidnimo waxaa Howl-gal lagu Soo Qabtey 5  Eedeysane oo Kufsi wadareed U Geystey  Gabar Soomalaiyeed .

Eedeysanayaashaaan ayaa Gabadha ku kufsadey  Degmada Xamarweyne Gaar ahaan  Waaxda Horseed . guri Jajaban Oo kuyaala Eeriyadaas

Ciidanka Boliiska Saldhigga  X/weyne Oo kaashanaya Bulshada Degmadaas ayaa gacanta ku Soo dhigey 5.ta  eedeysane ee  Kufsatey  Gabadha

Waxayna Hada Ku xeran yihiin Saldhigga Boliiska Degmada Xamarweyne

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here