Ciidamada Booliska oo kordhiyay howlgallada ka socda Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Waxaa si joogta ah magaalada Muqdisho uga socda howlgallo amni xaqiijin ah oo ay wadaan ciidamada Booliska Soomaaliya ee ka howlgala degmooyinka gobolka Banaadir.

 

Ciidamada oo kordhiyay baaritaanadooda ayaa xalay gacanta kusoo dhigay kooxo burcad ah oo dhibaato ku haya shacabka, kuwaas oo tiradooda gaaraya illaa 4 ruux.

Saraakiisha ammaanka ayaa sidoo kale sheegay inay sii wadi doonaan howlgalladooda, isla markaana ay ku dadaali doonaan xaqiijinta amniga caasimadda.

Tan iyo markii dowladda Soomaaliya ay la timid qorshaha xasilinta caasimadda waxaa yaraaday weeraradii iyo qaraxyadii horay uga dhici jiray degmooyinka gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here