MUQDISHO (SMN) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa gacanta kusoo dhigay eedeysane loo haysto inuu dil ka gaystay degmada Waabari ee gobolka Banaadir.
Qoraal kasoo baxay booliska gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in eedeysanaha uu gacanta ku jiro, isla markaana la horgeyn doono cadaaladda
Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidatan:-
03/02/2024 abaaro 16:00pm, Taliska Qeybta Guud Boliiska G.Banaadir gaar ahaan ciidanka saldhigga boliiska Waaberi ayaa howl-gal qorsheysan kusoo qabtay eedeysane dil ka geystay degmada Waaberi.
Eedeysanaha ayaa dhakhtar lagu dabiibayo isbitaal digfeer xabad bastoolad madaxa uga dhuftay 30/01/2024, baadi goob dheer kadib waxa uu hadda ku jiraa gacanta ciidanka boliiska, waxaana la horgeyn doonaa maxkamadda awoodda u leh.
Haddaba muwaadin, haddii aad aragtid fal amniga wax u dhimaya warbixin la wadaag saldhigga kuugu dhow ama wac lambarka gaaban ee 991.