Ciidamada Booliska oo soo xiray gabar kale oo caan ka ah baraha bulshada

0

MUQDISHO (SMN) – Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo weli si wada howlgalladooda ayaa xalay soo xiray gabar kale oo caan ka ah baraha bulshada, taas oo lagu magacaabo Faadumo Kaftan.

 

Gabadhan ayaa waxaa loo haystaa inay ku kacday falal anshax xumo ah, waxaana Booliska uu sheegay in la horgeyn doono maxkamad.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Taliska Booliska ayaa u qornaa sidatan;

Ciidanka Boliiska Gobalka Banaadir ayaa soo xiray eedeysane Fadumo Qaasim Maxamed(Faadumo Kaftan 24 jir ah, kuna eedeysan in ay ku kacday falal Anshax-daro ah oo liddi ku ah diinteena suuban iyo dhaqanka wanaagsan.

Mudaadin hadii aad la kulanto ama ay kusoo gaaraan falal amaanka liddi ku ah la soo xariir xafiiska gurmad ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ee 991 ama kusoo hagaaji banadir@police.g.v.so.

DHAMAAD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here