Ciidamada Booliska Somalia oo soo xiray ganacsato laga yaqaano Bakaaraha

0

MUQDISHO (SMN) – Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in xabsiga loo taxaabay ganacsato lagu soo qabtay suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

 

Ganacsatadaan ayaa waxaa lagu eedeeyay inay dalka soo galiyeen raashin dhacay, isla-markaana ay ka sii iibin jireen shacabka Soomaaliyeed, taas oo ah dambi weyn.

Shaqsiyaadkan ayaa qaarkood loogu tegay goobahoodii ganacsiga, halka kuwa kalena looga yeeray saldhigga, si wax looga weydiiyo eedeymaha loo haysto.

Taliska Booliska ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in baaruis dheer lagu hayo ganacsatadan, haddii ay ku cadaatana laga qaadi doono tallaabo adag oo sharci ah.

“Taliska Boliiska Qeybta Guud ee Gobolka Banadir, gaar ahaan Saldhigga Boliiska Degmada Hodon, ayaa gacanta ku soo dhigay baqaar oo lagu keydinayay raashin halaabay oo dadka laga iibinayay. Eedeysanayaal ku eedeysan in ay alaabta dadka ka gadayeen ayaa gacanta lagu dhigay, waxey wajihidoonaan Maxkamada Awooda u leh si ay cadaalada u maraan” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Booliska ee Gobolka Banaadir.

Maalmihii u dambeeyay ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa kordhiyay howlgallada ay ka wadaan caasimadda oo haatan laga gaaray guullo waa weyn.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here