Ciidamada Booliska oo soo xiray haween jirdil u gaystay wiil dhalinyaro ah

0

MUQDISHO (SMN) – Dhowrkii saac ee lasoo dhaafay waxaa baraha bulshada qabsaday muuqaal soconayay dhowr daqiiqo oo ay kasoo muuqdeen koox dumar ah oo jirdil xoogan u gaysanaya wiil dhalinyaro ah.

 

Wiilka dhalinyarada ah ayaa la sheegay in shirqool ahaan loogu ballamiyay guriga ku yaalla degmada Waabari, kadibna ay fal xadgudub ah kula kaceen kooxda haweenka ah.

Taliska booliska Gobolka Banaadir oo ka hadlay dhacdadaan ayaa xaqiijiyay in lasoo qabtay saddex haween ah oo ka dambeeyay falkaasi, isla markaana lagu haayo baaris dheeri ah.

“Ciidanka Boliisa Soomaaliyeed gaar ahaan Saldhigga Boliiska Waabari, ayaa gacanta ku soo dhigay Haween jir dil u geestay, Muwaadin Soomaaliyeed, waxaana socota baarista Booliska” ayaa lagu yiri qoraalka uu soo saaray taliska booliska gobolka Banaadir.

Qoraalka ayaa sidoo kale intaasi lasoo raaciyay Waxaana la horgeyndoonaa Maxkamadda awooda u leh”

Arrintan ayaa dhalisay hadal heyn xoogan oo qabsatay baraha bulshada, ayada oo dadka ka falceliyay ay aad uga xumaadeen falka lagula kacay wiilkaas dhalinyarada ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here