AFGOOYE (SMN) – Ciidamo ka tirsan kuwa deegaanka ayaa lagu soo warramayaa inay maanta ka dhaqaaqeen magaalada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, ayaga oo howlgallo ka bilaabay duleedka degmadaasi.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay gaareen deegaano horleh oo hoostaga magaalada Afgooye, halkaas oo ay horay ugu sugnaayeen xubnaha Al-Shabaab.
Howlgalladan ayaa waxaa qayb ka ah, xildhibaano iyo siyaasiin kasoo jeeda deegaanadaasi, kuwaas oo dhiiragelinaya ciidamada deegaanka ee howlgallada ka wada Shabeelaha Hoose.
Xildhibaan hore Nuurta Samow oo kamid ah mas’uuliyiinta abaabulka ka wada duleedka Afgooye ayaa Idaacadda Shabelle uga warrantay ujeedka howlgallada ay ka wadaan halkaasi, waxaana ay sheegtay inay doonayaan inay Al-Shabaab ka xoreeyaan dhulkaasi.
Shabeelaha Hoose ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan yihiin dagaalyahanada Shabaab, waxaana inta badan ka dhaca dagaallo gaysta khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.