Jubbada Hoose – Ciidamada Gaarka ah ee Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya ciidamada amniga Dowladda Goboleedka Jubaland, ayaa maanta fuliyay howlgal qorsheysan oo lagu beegsaday maleeshiyaadka Al-Shabaab, kaas oo ka dhacay deegaanno hoos yimaada magaalada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose.
Howlgalka ayaa lagu dilay 14 dhagarqabe, halka mid kale la dhaawacay, sida ay sheegeen ilo amni. Maleeshiyaad kale oo ka tirsanaa kooxda ayaa la sheegay inay ka carareen goobta markii la beegsaday.
Mas’uuliyiinta amniga ayaa tilmaamay in howlgalka uu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu wiiqayo awoodda kooxda Al-Shabaab, isla markaana lagu xaqiijinayo ammaanka iyo xasilloonida deegaannada Jubbooyinka.
Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa mar kale adkeeyay go’aanka adag ee ay ka qaateen ciribtirka Al-Shabaab ah, si shacabka Soomaaliyeed ay ugu noolaadaan nabad iyo xasillooni, loona sugo ammaanka guud ee dalka.
Howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa sii xoogeysanaya, iyadoo ciidamada qalabka sida iyo saaxiibada amniga ay wadaan tallaabooyin lagu xaqiijinayo nabadgelyada dalka.





