Ciidamada Danab iyo kuwa Jubbaland oo la wareegay deegaano horleh

0

KISMAAYO (SMN) – Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay ciidamada kumaandooska Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ay howlgallo culus ka sameeyeen duleedka Kismaayo.

 

Howlgallada oo ahaan kuwa qorsheysan ayaa waxaa si gaar ah loogua beegsaday goobo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo dhaca galbeedka magaaladaasi.

Deegaanada ay la wareegeen ciidamada waxaa kamid ah:- Barjala, Dharkayn urur, Sariiraha, Orgiyow, Yaaq caleen iyo Aboodin oo ka wada tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Sidoo kale saraakiisha labada dhinac ee howlgalka hoggaaminayay ayaa sheegay inay sii wadi doonaan gulufkooda, uuna ujeedka uu yahay in laga hortego weerarada Al-Shabaab.

Jubbooyinka ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan yihiin xoogaga Al-Shabaab, waxaana haatan ku wajahan wajiga labaad ee dagaalka ay waddo dowladda federaalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here