Ciidamada Danab oo howlgal culus ka fuliyay Jubbada Hoose + Khasaaraha

0

MUQDISHO (SMN) – Ciidamada gaarka ah ee kumaandooska Danab ee Xoogga dalka ayaa xalay saq dhaxe u daatay xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa halka loo yaqaano Dhasheegga Qumbi oo u dhow deegaanada Harboole iyo Biibi ee gobolka Jubbada Hoose.

 

Wararku waxa ay sheegayaan in saqdii dhaxe ee xalay lagu guureeyey Al-Shabaab, dagaal saacado badan qaatay kadibna waxaa goobta gaaray Ciidamada Xoogga dalka iyo Kuwa Jubbaland ee ku sugna aagga Degmada Afmadow oo ku biiray dagaalka.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in tiro maydad ah ay mesha uga carareen Al-Shabaab, kadib markii looga itaal roonaaday dagaalkii ka dhacay halkaasu.

Maalmihii u dambeeyay ciidamada Xoogga dalka iyo Daraawiishta Jubbaland ayaa howlgallo culus ka waday gobollada Jubbooyinka, kuwaas oo jab culus lagu gaarsiiyay Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here