AFMADOW (SMN) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga halayaa khasaaraha ka dhashay howlgal culus oo ay xalay ciidamada Kumaandooska Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed ka sameeyeen duleedka deegaanka Weelmaaro ee gobolka Jubbada hoose.
Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu beegsaday goob ay kiu sugnaayeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab, sida ay shaacisay dowladda Soomaaliya.
Saraakiil u hadashay ciidamada gaarka ah ee Danab ayaa shaaca ka qaaday in howlgalkan ay ku dileen ugu yaraan illaa 17 ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo dhowaan ka soo qalinjabiyey dugsi tababar oo ku yaalla deegaanka Caanoole ee duleedka degmada Bu’aale.
Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi kusii daray in saldhigyo ay Al-Shabaab ku lahaayeen halkaasi ay cagta mariyeen, isla-markaana ay gaarsiiyeen khasaare xooggan.
Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guulaha ka sheegteen saraakiisha ciidamada Xoogga dalka.
Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana lagu soo warramayaa in weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayo qaybo ka mid ah gobolka Jubbda Hoose.