Ciidamada Danab oo burburiyay saldhigyo ay lahaayeen Al-Shabaab

0

KISMAAYO (SMN) – Ciidanka Kumandooska Danab ee Xoogga Dalka ayaa burburiyay goob ay Al-Shabaab kaga sugnaayeen gobolka Jubbada hoose.

 

Howlgallada ayaa si gaar ah ugu dhacay deegaanada kala ah Yaaq-xaluul, Qod-qod, Beer-xaani,Quddus iyo goobo kale,

Gaashaanle Carab Dheeg Axmed oo howlgalka hoggaaminayay ayaa Warbaahinta u sheegay in ay Ciidanku burburiyeen fariisimo ay Al-Shabaab halkaas ku lahaayeen.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay inay sii wadai doonaan dhaq-dhaqaaqyada ay haatan ka wadaan duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Jubbooyinka ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan yihiin xubnaha Al-Shababa, waxaana inta badan ka dhaca weeraro iyo dagaallo gaysta khasaarooyin kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here