Ciidamada Danab oo Howlgallo Ka Dhan ah Al-Shabaab oo Ka dhacay Jubbada Hoose

0

KISMAAYO, Soomaaliya – Ciidamada Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Danab ayaa hub tiro badan kusoo bandhigay gobolka Jubbada Hoose, kaasi oo ay ka soo furteen kooxda Al-Shabaab, kadib howlgallo culus oo ay saacadihii la soo dhaafay ka fuliyeen deegaanka Barjaale oo hoos taga degmada Afmadow.

 

Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalkaasi ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in ay dileen in ka badan 40 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, isla markaana ay nolol ku qabteen tiro kale oo ay ku jiraan horjoogayaal sare.

Ciidamada ayaa sidoo kale soo bandhigay sawirrada meydadka xubnaha la dilay iyo godadkooda oo la burburiyey.

Wararka laga helayo saraakiisha ayaa sidoo kale xaqiijinaya in howlgalladu ay weli socdaan, ayna ciidamada Danab ku raadjoogaan xubnaha firxadka ah ee kooxda.

Waxaa sidoo kale la xaqiijiyey in deegaano muhiim ah laga saaray Al-Shabaab, kuwaasoo haatan si buuxda ay u maamulayaan ciidamada dowladda.

Howlgalladan ayaa qeyb ka ah dadaallada socda ee dalka looga sifeynayo kooxda Al-Shabaab, iyadoo la xaqiijiyey in in ka badan 120 xubnood oo ka tirsan kooxda lagu dilay saacadihii ugu dambeeyay, kuwaasoo lagu beegsaday gobollada Hiiraan, Shabeellaha Hoose iyo Jubbada Hoose.

Ciidamada dowladda ayaa weli ku sugan goobihii lagu laayey kooxda, halkaas oo ay ka wadaan baacsiga firxadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here