Danab oo la wareegtay deegaanka muhiim ah iyo Xamza oo boggaadiyay

0

MUQDISHO (SMN) – Ciidamada kumaandooska Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa maanta la wareegay gacan ku haynta deegaanka Buula Xaaji oo 80 KM galbeed ka xiga magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamul goboleedka Jubbaland.

 

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa boggaadiyay howlgalkaasi iyo qabashada deegaanka Buula Xaaji, kadib warsaxaafadeed uu soo saaray.

Halkan hoose ka akhriso:-

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa ugu hambalyeeyay ciidamada geesiyaasha Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo ciidamada Jubbaland guusha ay ka gaareen dagaalka cadowga looga sifeynayo deegaannada Jubbaland.

Ciidanka ayaa saaka si buuxda ula wareegay Deegaanka Buulo-Xaaji ee Gobolka Jubbada Hoose oo 80-KM dhanka Koonfureed kaga beegan magaalada Kismaayo.

“Waxaan ku ammaanayaa Ciidammada halyeeyada Qaranka ee sida geesinnimada, dadaalka iyo daacadnimadu ku jirto uga xoreynaya Khawaarijta deegaannada fara kutiriska ah ee ay gacanta ku hayaan”.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xarriiqay in dowladdu ay gacanna kula dirirayso Khawaarijta gacanna ay ku daryeelayso shacabkeeda, isaga oo intaas ku daray in goobaha la xoreeyey la gaarsiin doono adeegyadii aas-aasiga ahaa sida waxbarasho, caafimaad iyo nabadgalyo, si la mid ah  deegaanadii kale ee laga xoreeyay Khawaarijta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here