Ciidamada DANAB oo weerar ku qaaday maleeshiyaad ku sugnaa Wanlaweyn

0

WANLAWEYN (SMN) – Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay ciidamad sida gaarka ah u tababaran Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed ay howlgallo ka sameeyeen duleedka degmada Wanlaweyn ee gobolkaasi.

 

Ciidamada ayaa si toos ah weerar ugu qaaday goob ay isbaaro u taallay maleeshiyaad hubeysan, kuwaas oo qaarkood ay nolosha ku soo qabteen.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in ciidamadu ay cagta mariyeen isbaarada, isla markaana ay nolosha ku qabteen 3 kamid ah burcadda.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana howlgalkan uu qayb ka yahay dadaallada lagu doonayo in lagu soo afjaro xiisadaha ka jira halkaasi.

Shabeelaha Hoose ayaa waxaa ku badan maleeshiyaadka hubeysan iyo isbaarooyinka oo lagu dhibaateeyo dadka shacabka iyo gaadiidleyda isaga kala goosha halkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here