Ciidamada deegaanka oo gacanta kusoo dhigay sarkaal ka tirsan Al-Shabaab

0

CEELDHEER (SMN) – Ciidamada dadka deeganka ee ku sugan degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa gacanta ku dhigay sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab oo ku ku sugnaa deegaano hoostago degmada Ceeldheer.

 

Ninkaan ayaa mudo dhowr sano ah ka tirsanaa Al-Shabaab waxaana uu uga biiray Deegano dhaca gobolka Bakool, waxaa uu magaciisa uu ku sheegay Cabdi Maxamed Cumar.

Maxamed Khaliif oo ka mid ah  Saraakiisha Ciidamada Deeganka ayaa gacanta kusoo dhigay asigoo baxsad ah ka dib markii la helay xogtiisa.

Howlgalka lagusoo qabtay Cabdi Maxamed Cumar ayaa ka dhacay inta u dhaxeeysa Deeganada Qorya-wayn iyo Hulcaduur oo Hoostaga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here