Ciidamada DF iyo Al-Shabaab oo ku dagaalamay duleedka degmada Balcad

0

BALCAD (SMN) – Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in xalay dagaal u dhexeeyay ciidamada milatariga Soomaaliya iyo Al-Shabaab uu ka dhacay inta u dhexeysa magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolkaasi.

 

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku bilowday madaafiic ku qaadeen sadhig ku yaalla deegaanka Raaxoy, waxaana kadib xigay dagaal foolka fool ah.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa innoo sheegay inay maqlayeen dhawaqa rasaas xoogan oo ay is waydaarsanayeen labada dhinac, balse aysan caddeyn karin khasaaraha.

Dhankooda saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda oo ka hadlay dagaalkan ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarka Al-Shabaab, isla markaana haatan ay dagan tahay xaaladda.

Inta badan waddada xiriirisa degmooyinka Balcad iyo Jowhar ayaa waxaa weeraro gaadmo ah ka fuliya dagaalyahanada Al-Shabaab oo ku sugan aaggaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here