Ciidamada DF iyo kuwa deegaanka oo howlgal ka wada agagaarka Ceelbuur

0

CEELBUUR (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduudayaa sheegaya in ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ay u raqaansadeen dhanka degmada Ceelbuur ee gobolkaas oo ay muddo sanado ah gacanta ku hayaan xoogaga Al-Shabaab.

 

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegaya in ciidamada huwanta oo wata gaadiidka dagaalka ay doonayaan inay dhowr jiho ka weeraraan degmadaas oo muhiim u ah wajiga labaad ee howlgallada la filayo inay dhowaan ka billowdaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Sidoo kale saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka ayaa Radio Shabelle u sheegay in ujeedkooda uu yahay inay Al-Shabaab ka saaraan degmada Ceelbuur iyo sidoo kale deegaanada u dhow ee Galgaduud oo hoostaga dowlad goboleedka Galmudug.

Qorshaha la wareegitaanka degmadan oo 15 sanno ka badan ay maamulayaan dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa soo socday bilihii lasoo dhaafay, waxaana iska kaashanaya ciidamada dowladda, qaybahooda kala duwan iyo kuwa dadka deegaanka.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, ayada oo dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayo aaga degmada Ceelbuur oo kamida degmooyinka waa weyn ee Galgaduud.

Muddooyinkii u dambeeyay ciidamada huwanta ayaa dhaq-dhaqaaqyo culus ka waday gobollada dhexe, waxayna Al-Shabaab ka saareen deegaaano iyo degmooyin dhowr ah oo ka kala tirsan gobollada Galgaduud iyo Mudug oo haatan la’isku yiraahdo Galmudug.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa ku jirto marxalad dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana la filayaa in wejiga labaad ee dagaalka oo dhowaan bilaaban doono ay ku soo biiraan ciidan ka socdo dalalka Kenya, Jabuuti iyo Itoobiya oo la’isku yiraahdo waddamada safka hore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here