Ciidamada DF iyo kuwa Jubbaland oo la wareegay deegaano ku yaalla Gedo

0

LUUQ (SMN) – Ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii lasoo dhaafay ay howlgallo wadajir ah ka sameeyeen qaybo kamid ah gobolka Gedo, gaar ahaan deegaano u dhexeeya degmooyinka Luuq iyo Doolow ee gobolkaasi

 

Taliye ku xigeenka ciidanka Daraawiishta Jubbaland oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay howlgalladaasi, wuxuuna sheegay inay khasaare culus ku gaarsiiyeen Al-Shabaab.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay inay la wareegeen deegaanada ay howlgallada ka dhaceen, ayn cagta mariyeen goobo ay lacago ku qaadayeen Al-Shabaab.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray inay sii wadi doonaan howlgalladan oo uu ujeedkooda ku sheegay in Al-Shabaab looga saarayo meelaha ay ka joogaan gobolka Gedo.

Deegaanada Jubbaland ayaa waxaa haatan ka socdo howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab oo ay iska kaashanayaan ciidamada Xoogga dalka iyo Daraawiishta Jubbaland, kuwaas oo xoreeyay deegaano badan oo dhaca Jubbooyinka iyo Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here