Ciidamada DF iyo kuwa Koonfur Galbeed oo howlgallo ka wada Baay iyo Bakool

0

BAYDHABO (SMN) – Ciidamada dowladda iyo kuwa daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgal waddo furis ah ka sameeyay wadooyinka xiriiriya gobolada Baay, Bakool iyo Gedo, halkaas oo ay ku sugan yihiin xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

 

Saraakiisha howlgalkan hoggaaminayay ayaa warbaahinta u sheegay inay cagta mariyeen xarumo ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanada howlgalka laga sameeyay.

Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dareen inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada milatariga ee haatan ay ka wadaan halkaasi.

Deegaanada Koonfur Galbeed ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab, waxaana haatan ku wajahan wajiga labaad ee howlgallada ka socda dalka.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here