Ciidamada DF Soomaaliya oo howlgal ku dilay 10 ka tirsanaa Al-Shabaab

0

AFGOOYE (SMN) – Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay howlgal culus oo ay saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Xoogga dalka ka sameeyeen agagaarka deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose.

 

Howlgalkan oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu dilay in ka badan 10 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, sida uu sheegay afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya.

Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidatan:-

Howlgal sifeyn ah oo maanta ay fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu dilay in ka badan 10 maleeshiyaad iyo horjoogayaal ah oo ka tirsanaa Khawaarijta, iyadoo tiro intaas ka badan lagu dhaawacay howlgalka, sida uu Warbaahinta u sheegay Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Sheekh Abuukar Maxamed Xasan oo ku sugan furimaha dagaalka ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalka ayaa ka dhacay deegaanka Nuur-Gare oo u dhow deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana gobolkaas ka socda howlgallo ka dhan ah Khawaarijta ku dhuumaaleysata deegaanada fog-fog ee Sh/Hoose.

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa shalay ku guuleystay inay Khawaarijta ka soo badbaadiyaan ku dhowaad 20 gaari oo madax-furasho u heysteen iyo sidoo kale waxaa jira dhagarqabayaal lagu qabtay howlgalka ka socda Sh/Hoose, sida uu sheegay Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here