Ciidamada DF oo soo bandhigay odayaal la shaqeynayay Al-Shabaab

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Taliska ciidamada Xoogga dalka ayaa gobolka Galgaduud kusoo bandhigay odayaal la sheegay inay Al-Shabaab u qaabilsanaayeen uruurinta xoolaha, qaybo ka mid ah gobolkaasi.

 

Cali Maqane & Axmed Cali Gadaf oo ka mid ahaa Odayaasha sida dhaw ula shaqeeyn jiray Al-Shabaabka ku sugan Degmada Ceeldheer & Deegaanka Cowswayne ayaa isku soo dhiibay Ciidamada Xoogga Dalka & Kuwa dib u xoreeynta Deegaanka ee Howlgalada ka wada Xadka Galgaduud & Shabeellaha Dhexe.

Axmed Cali Gadaf waxaa uu  AL-sHABAAB  kala shaqeeyn jiray in uu u keeno Xoolaha AY  ka Doonayaan Dadka ku nool Deegaanka Cowswayne waxaana uu ka mid ahaa Odayaal dhawaan Al-Shabaab kusoo bandhigeen deegaankaas maamlmo ka hor intii aysan gaarin Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa dib u xoreeynta deegaanka.

Cali Maqane oo isna in mudo ah u shaqeynayay Al-Shabaab  waxaa uu u ahaa Oday Dhaqameed ama (NAQIIB) waxa ay u yaqaanan kaas oo Aruuriyo Xoolaha dadka degaanka waa nin si wayn loo yaqaya deegaanadaasi.

Gobollada Dhexe ee dalka ayaa waxaa weli ka socda howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kuwaas oo dhul ballaaran ay kula wareegeen ciidamada dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here