Ciidamada DF oo soo furtay gaadiid ay Al-Shabaab ku xayireen Shabeelaha Hoose

0

AFGOOYE (SMN) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo saacadihii lasoo dhaafay ciidamada dowladda Soomaaliya ay ka sameeyeen qaybo kamid ah goobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo lagu beegsaday kooxda Al-Shabaab.

 

Howlgalka oo si gaar ah uga dhacay inta u dhexeysa degmooyinka Afgooye iyo Wanlawayn ayaa waxaa lagu soo furtay ku dhowaad 20 gaadiid oo ay lacago darteed u xayireen Al-Shabaab, sida uu sheegay afhayeenka wasaaradda difaaca XFS Abuukar Maxamed Xasan.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay afhayeenku in howlgalkan lagu dilay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaanada howlgallada laga sameeyay.

Shabeelaha Hoose ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan yihiin xoogaga Al-Shabaab oo badanaa weeraro ku qaada saldhigyada ciidamada ee ku yaalla gobolkaasi.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here