Ciidamada DF oo weerar ku qaaday goob ay isku aruursanayeen Al-Shabaab

0

BUULOBURDE (SMN) – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyed gaar ahaan Ururka 8-aad Guutada 18-aad ee Gor-gor, ururka 291aad Guutada 29-aad ee daljir iyo Ciidamada deeganka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyey deegaano hoostaga degmada Buuloburde ee Gobolka Hiiran.

 

Howlgalkan oo ah mid culus ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu beegsaday goob ay isku uruursanayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab..

Sidoo kale waxaa howlgalka oo ay wadajir u hoggaaminayeen Abaanduuliyaha ururka 8-aad guutada 18-aad ee Gor-gor Naqiib Abdullaahi Xersi iyo Taliyaha Ururka 291-aad Guutada 29-aad ee Daljir G/le Cali Cadde, waxaa cagta lagu mariyay goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab oo ku yaalay deegaanka Beero-yabaal oo hoostaga degmada Buulaburde ee gobolka Hiiraan.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana saraakiisha ay sheegeen inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan halkaasi.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here