MUQDISHO (SMN) – Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya ciidanka deegaanka iyo Booliska Degmada Wisil ayaa Gacanta ku dhigay labo gaari oo siday Shidaal iyo agabka kale, kuwaas oo la tuhunsan yahay in loo waday Al-Shabaab.
Saraakiisha Hogaaminaysay Howlgalkaan ayaa sheegey in labadaan gaari ay gacanta kusoo dhigeen isla markaana ay ku raad joogaan kuwa kale oo la tuhunsan yahay iney u ararnyihiin kooxda Al-Shabaab.
“Khawaarijta ayaa culeysyadii ugu adkaa ku wajahaysa deegaanada Galmudug, Ciidanka Xoogga dalka, kuwa deegaanka iyo Darawishta Galmudug ayaana ku guuleystay xakameynta dhaq dhaqaaq kasta ee ku wajahan Goobaha gabaadka ay ka dhigteen argagixisadu” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay taliska ciidanka Xoogga.
Gobollada Dhexe ayaa waxaa weli ka socda howlgallo lagu beegsanayo Al-Shabaab, kuwaas oo ay iska kaashanayaan ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee Macawiisleyda.