Hiiraan, Soomaaliya — Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ee Macawiisleyda ayaa xalay fiidkii howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ku dilay afar (4) dagaalyahan, sida ay warbaahinta dowladda ku warbixisay.
Howlgalkan oo si qorsheysan loo fuliyey ayaa ka dhacay inta u dhexeysa deegaannada Yasooman iyo Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaddib markii ay ciidamada heleen xog muhiim ah oo ku saabsan dhaqdhaqaaqa xubnaha Al-Shabaab, kuwaas oo horay loola socday.
Ciidamada ayaa jidka ku qabtay kooxda, iyadoo la gubay gaari ay wateen xubnaha Al-Shabaab, kuwaas oo sida ay wararka sheegayaan u socday inay dhibaato u geystaan gaadiid dad shacab ah wata.
Saraakiisha howlgallada hogaaminayey ayaa guulo ka sheegtay howlgalka, iyaga oo xusay in howlgallo dheeraad ah ay ka soconayaan gobolka si looga hortago falalka kooxda Al-Shabaab.
Arrintana ayaa ku soo beegmaysa iyadoo gobolka Hiiraan ay ka socdaan dhaqaaqyo ballaaran oo dhanka ammaanka ah, kuwaas oo lagu beegsanayo xubno ka tirsan Al-Shabaab si loo xoojiyo nabadgelyada iyo badbaadada shacabka.




