Beledweyne, 23 Juunyo 2025 – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo garab ka helaya ciidanka deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda ayaa dagaal culus kula galay kooxda Al-Shabaab deegaannada Mabaax iyo Gayacad ee gobolka Hiiraan, sida lagu sheegay war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda federaalka.
Dagaalka oo dhacay saacadihii hore ee maanta ayaa sababay khasaare xooggan oo lagu gaarsiiyay Al-Shabaab. Sida ay sheegtay dowladda, in ka badan 20 xubnood oo ka tirsan kooxda ayaa lagu dilay, halka tiro kale oo intaas ka badan la dhaawacay.
Howlgallada ayaa weli socda, iyadoo ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay wada wadaan hawlgallo ballaaran oo lagu xaqiijinayo amniga guud ee deegaannada dagaalku ka dhacay iyo kuwa ku dhow.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay laba jibbaareen dhaq-dhaqaaqyadooda, tan iyo markii ay bilaabeen guluf cusub oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab toddobaadyadii la soo dhaafay.
Ciidamada ayaa sidoo kale helaya taageero dhinaca sirdoonka, duqeymaha, iyo qalabka dagaalka uga imaanaysa saaxiibada caalamiga ah ee taageera dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Duqeymo dhowr ah ayaa la sheegay in lagu bartilmaameedsaday goobo ay Al-Shabaab ku dhuumaaleysanayeen, iyadoo lala beegsaday xarumo ay ka wadeen abaabulka iyo weerarada.
Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in howlgalladu ay sii socon doonaan ilaa laga xaqiijinayo in Al-Shabaab laga saaro dhammaan deegaannada ay weli kaga sugan yihiin gobolka Hiiraan.



