Matabaan, Hiiraan — Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya ciidanka difaaca deegaanka ee Macawiisleyda ayaa dhaqdhaqaaqyo ciidan ka wada degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan, kuwaas oo la xiriira qorshe lagu doonayo in dib loogu bilaabo howlgallo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.
Ciidamada iskaashanaya ayaa qorsheynaya inay howlgallada dib uga bilaabaan deegaanno iyo degmooyin ka tirsan bariga gobolka Hiiraan oo ay weli ku sugan tahay Al-Shabaab. Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu doonayo in lagu xoreeyo deegaannada ay kooxda gacanta ku hayso.
Laba maalmood ka hor, Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa degmada Matabaan kula hadlay boqolaal askari oo ay dowladdu diyaarisay, kuwaas oo la filayo inay ka qeyb qaataan duullaan lagu beegsanayo Al-Shabaab.
Dhaqdhaqaaqyada ciidamada ayaa si weyn looga dareemay magaalooyinka Maxaas iyo Moqokori, oo ay Al-Shabaab la wareegtay dhammaadkii sanadkii lasoo dhaafay. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Al-Shabaab ay ciidamo badan geysay magaalada Maxaas, oo ah magaalo istiraatiiji u ah isku xirka gobollada Hiiraan iyo Galguduud.
Dhanka kale, tan iyo markii ay billowdeen dhaqdhaqaaqyadan ciidan, warar ayaa tilmaamaya in Al-Shabaab ay isaga baxday deegaanno ay ka mid tahay Waabweyn, inkasta oo aan si rasmi ah loo xaqiijin.
Xaaladda amni ee gobolka Hiiraan ayaa weli ah mid kacsan, iyadoo la filayo in howlgallada iskaashiga ah ay sii socdaan maalmaha soo socda.





