Ciidanka dowladda Kenya oo isaga baxay deegaano u dhow degmada Afmadow

0

AFMADOW (SMN) – Wararka laga helayo xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya ayaa sheegaya in ciidamada Kenya ay isaga baxeen fariisimo muhiim ah oo ay ku lahaayeen deegaannada xadka labada gobol, una u dhow degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.

 

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo sheegay in ciidamada ay dib ugu laabteen deegaanka  Kiunga oo qiyaastii 10KM u jirta xadka Soomaaliya iyo Kenya.

Deegaanka Badamadow oo loo aqoonsan yahay mid kamid ah meelaha ugu qatarta badan Soomaaliya ayaa muddo dheer u ahayd goob istiraatiiji ah Al-Shabaab, waana dhul hood ah oo la aaminsanyahay in ay ku jiraan Ajaanibta ka barbar dagaalanta Al-Shabaab.

Iskaashi xoogleh oo ay sameynayeen dhowr iyo tobankii sano ee ugu dambeeyey ciidamada Jubbaland iyo kuwa Kenya ayaa sababay in la xakameeyo sameeynta ay dhulkaas kul ahaayeen Al-Shabaab, waxaana sidoo kale halkaa sandhig weyn kuleh ciidamada Mareykanka gaar ahaan deegaanka Manda Bay ee Laamu.

Ciidamada Mareykanka ee saldhigga ku leh Manda Bay ayaa door muhiim ah ka ciyaaray sugidda amniga xuduuda Soomaaliya iyo Kenya gaar ahaan dhulka hoodka ah ee Badamadow, waxayna bixiyaan tababar gaar ah, taageero farsamo iyo adeegyo sirdoon, oo ay ku jiraan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here