Ciidamada Dowladda oo Beeniyay Wararka Sheegaya in Macawiisley ay Isku Dhiibeen Al-Shabaab

0

Beledweyne – Saacadihii lasoo dhaafay waxaa baraha bulshada iyo warbaahinta qaar kusoo baxay warar sheegaya in xubno katirsan macawiisleyda gobolka Hiiraan ay isku dhiibeen kooxda Al-Shabaab, kadib markii ay ku go’doomeen deegaanada dhowaan ay kooxdaasi la wareegtay.

 

Wararkaasi ayaa tilmaamayay in xubno hubaysan oo katirsan macawiisleyda, oo qayb ka ahaa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, ay si toos ah isu dhiibeen, arrintaas oo si cad u beeniyay sarkaal sare oo katirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed kana mid ah hogaamiyeyaasha kacdoonka shacabka.

Xasan Faarax Guuleed oo la hadlay idaacadda Shabelle ayaa sheegay in wararkaasi yihiin been abuur aan sal iyo raad toona lahayn.

Waxa uu xusay in laga yaabo in ay jiraan odayaal ama dad shacab ah oo ku haray deegaanadii Al-Shabaab qabsatay, balse aysan jirin wax dagaalyahanno macawiisley ah oo hubaysan oo isa soo dhiibay.

Gobolka Hiiraan ayaa muddooyinkii u dambeeyay ahaa xarun weyn oo kacdoon shacab iyo dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, hase yeeshee kooxda ayaa dhawaan dib ula wareegtay deegaano iyo degmooyin muhiim ah kadib dagaallo socday bilooyin iyo xitaa sanado.

Dowladda iyo shacabka deegaanka ayaa weli ku adkeysanaya in la sii wado dagaalka, si guud ahaan looga xoreeyo gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here