Ciidamada dowladda oo dhaq-dhaqaaqyo ka wada degmada Buulo-burde

0

BUULO-BURDE (SMN) – Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ay haatan dhaq-dhaqaaqyo ka dhan ah Al-Shabaab ka bilaabeen dhinaca degmada Buulo-burde ee gobolkaasi.

 

Ujeedka ciidamadan ayaa ah inay qaadaan guluf ka dhan ah Al-Shabaabka ku sugan Hiiraan, si ay uga xoreeyaan deegaanada ay ka haystaan gobolkaasi.

Saraakiisha hoggaamineyso ciidamada ayaa sheegay inay u raqaansan doonaan deegaanada ay joogaan Al-Shabaab, isla markaana ay ka saari doonaan.

Sidoo kale waxaa ciidamadan dhiirogelin ugu tegay xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo qayb ka ah abaabulka ka socda halkaasi.

Hiiraan ayaa kamid ah gobollada ay weli ka socdaan dagaallada ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana ka howlgala ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here