Ciidamada dowladda oo dib ula wareegay Aboorey oo katirsan gobolka Hiiraan

0

ABOOREY, Soomaaliya [SMN] – Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa saakay hawlgal culus ku qaadeen Al-Shabaab, iyagoo kala wareegay tuulada Aboorey ee gobolka Hiiraan.

 

Ciidammadu waxay gebi ahaanba ka saareen Al-Shabaab Aboorey, waxaana hadda ay saldhig ka sameysteen gudaha iyo daafaha deegaanka, si ay uga hortagaan weerar rogaal-celis ah, sida ay sheegeen qaar kamid ah saraakiisha amniga.

Al-Shabaab waxaa ku socda hawlgal saf ballaaran oo lagu hayo weerarro joogto ah. Hawlgalladii ugu dambeeyey waxay ka socdaan nawaaxiga degmada Runirgood, deegaannada Guulane iyo Ceel Cali Axmed ee gobolka Shabeelada Dhexe, iyo deegaanno dhaca inta u dhaxeysa degmooyinka Buulo-Burde iyo Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Dhammaan hawlgallada iyo weeraradaasi waxaa Ciidamada u suurta-gashay inay ka difaacaan Al-Shabaab goobihii horey looga saarey ee gobolka Shabeellaha Dhexe oo dagaal culus ay ka dhaceen bishii Ramadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here