Ciidamada dowladda oo gacanta ku dhigay xubin ka tirsan Al-Shabaab

0

MUQDISHO (SMN)  – Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa gacanta ku dhigay xubin ka tirsanaa Al-Shabaab, kadib howlgal ay ka sameeyeen deegaanno hoos taga degmada Ruunnirgood ee gobolka Shabeellada dhexe.

 

Cabdullaahi Macallin Cusmaan (Ilyaas) oo ka tirsanaa Al-Shabaan ku dhawaad laba sano ayey Ciidamadu gacanta ku dhigeen , xili uu ku dhuumaaleysanayay deegaanno hoos taga degmada Ruunnirgood.

Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay in eedeysanahan ay ku wareejin doonaan hay’adaha ku shaqada leh, si loogu sameeyo baaritaan.

Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa weli ka socda howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Macawiisleyda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here