Muqdisho: Ciidanka Qaranka oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa xalay fuliyay howlgal lagu beegsaday goobo bartilmaameed ahaa oo xoogaga Al-Shabaab ay kaga sugnaayeen deegaanka Jabad-godane ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo lagu dilay 29 xubin.
Toddobaadkii la soo dhaafay, Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka waxa ay si xiriir ah u wadeen howlgallo lagu bartilmaameedsaday baro ay Al-Shabaab kaga dhuumanayeen deegaannada Jabad-godane, Alanleey iyo Xawaadley, oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Weeraradan ayaana lagu soo afjaray ilaa 135 dagaalyahan.
Howlgalladii ugu dambeeyay ee lagu qaaday Al-Shabaab ayaa si cad u mmuujinaya guulaha laga gaaray dagaalka ay dowladda wado, sida ay NISA sheegtay.



