Ciidamada dowladda oo howlgallo ka sameeyay deegaanka Ceelasha Biyaha

0

MUQDISHO (SMN) – Faah-daahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgallo ay xalay ciidamada ammaanka, gaar ahaan kuwa Boolis Milataaro ka sameeyeen duleedka magaalada Muqdisho.

 

Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa si gaar ah uga dhacay Tabeelaha, Siinka Dheer, illaa deegaanka Ceelasha Biyaha.

Ujeedka howlgalladan ayaa ahaa kuwo lagu xaqiijinayay ammaanka deegaanada u dhow caasimadda, sida ay innoo sheegeen saraakiisha hoggaamineysay.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay howlgalladan kusoo qabqabteen dad tuhmanayaal ah, oo ay haatan ku socdaan baaritaano dhaaraad ah.

Dhowaan ayay ahayd markii qarax xoogan oo khasaare dhaliyay uu ka dhacay maqaayad ku taalla deegaanka Ceelasha Biyaha ee gobolka Shabeelaha Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here