Ciidamada dowladda oo howlgallo ka sameeyay duleedka magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa xoojiyay howlgallada lagu sugayo amniga oo ay ka wadaan gudaha iyo duleedka Muqdisho.

 

Ujeedada howlgalladan ayaa ah sidii looga hortagi lahaa khataraha dhinaca amniga ee la filan karo xili dowladd ay ku jirto abaabulka dagaal culus oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Cidamada sida gaarka ah ugu xil-saaran xasilinta caasimadda ee Boolis Milataaro ayaa waxaa xalay ay howlgal ka sameeyeen deegaanada dhaca duleedka Muqdisho, gaar ahaan Siinka Dheer, ilaa Ceelasha Biyaha.

Sidoo kale ciidamada ayaa baarayay gaadiidka iyo xaafadaha ku teedsan waddada dheer ee aada degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Saraakiil dhanka amniga aha ayaa ku waramay in howlgalkan uu ahaa mid looga hortagayo falalka amni daro, isla-markaana ka dhan ah shaqsiyaadka lagu tuhmayo in ay ka tirsanyihiin Al-Shabaab iyo kuwa kale ee burcadda ah ee dhibaateeya dadka shacabka ah.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa jiray howlagallo amni sugid ah oo ka soconayay xaafadaha Muqdisho iyo duleedkeeda, kuwaasi oo qeyb ka ah qorshaha amni sugidda dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here