Ciidamada dowladda oo iska caabiyay weeraro Al-Shabaab ku qaadey

0

JOWHAR [SMN] – Ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ayaa saaka iska caabiyay weerarka Al-Shabaab ku qaadey degmada Awdheegle, ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasoo lagu soo waramayo inay ka jiraan dhaq-dhaqaaqyo militeri.

 

Weerarkaas oo kale ayaa ka dhacay aagga deegaanka Buursha Sheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo Al-Shabaab weerartay. Waxuu weerarka sababay dagaal toos ah oo saacado socday, iyadoo markii dambe dib loo riixay Al-Shabaab.

Dhanka kale, Ciidamada ayaa howlgal ka sameeyay deegaanka Laba-Garas ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Howlgalkaasi waxaa lagu dilay xubno katirsan Al-Shabaab, sida ay baahisay warbaahinta qaranka, iyada oo Ciidamada ay sii xoojiyeen amniga iyo xasilloonida gobolka.

Dagaalladan iyo howlgalada ay Ciidamada Qaranka ka sameeyeen gobollada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe ayaa waxay wasaaradda warfaafintu ay ku tilmaantay inay yihiin kuwa muujinaya in la dagaallanka Al-Shabaab uu sii xoogeysanayo, iyadoo sidoo kale shacabka deegaanka ay muujiyeen taageero buuxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here