Ciidamada dowladda oo ka hortegay qarax lagu diyaariyay Buulo-mareer

0

BUULO-MAREER (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ay howlgal qorsheysan ka sameeyeen aagga magaalada Buulo-mareer ee gobolkaasi.

 

Howlgalkan oo uu fuliyay Ururka 26-aad Guutada 6-aad Qaybta 60-aad CXD ayaa waxaa lagu fashiliyay qarax miino oo ay Al-Shabaab ku diyaariyeen waddo aada dhinaca beeraha magaaladaasi.

Ciidamada ayaa ku guuleystay inay miinada soo saaraan, kadibna ay qarxiyaan, ayada oo aan gaysan wax khasaare ah.

Saraakiisha milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in Al-Shabaab ay damacsanaayeen in qaraxan ay ku dhibaateeyaan shacabka isticmaala waddada, balse ay ka hortageen.

Xaaladda ayaa weli ah mid kacsan, waxaana ciidamada dowladda ay howlgallo amni xaqiijin ka wadan agagaarka magaalada Buulo-mareer ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Gobolkan ayaa waxaa weli ku sugan dagaalyahanada Al-Shabaab oo weeraro ku qaada saldhigyada ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa howlgalka ATMIS ee ku sugan halkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here