DHUUSANAREEB (SMN) – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Qaybta 21-aad oo gacan ka helaya dadka deegaanka iyo Daraawiishta Galmudug ayaa saacadihii lasoo dhaafay la wareegay deegaanka Baraag Maxamed Daa’uud oo 16 KM u jira deegaanka Dabagalo ee Gobolka Mudug.
Howlgalkaan waxaa horkacaayey Taliyaha Qaybta 21-aad Gaashaanle Sare Cabdi Salaad, Taliyihii hore ee Qaybta General Xasan Jaamici, waxaana ciidamada ay baritaano ka sameeyeen dhulka howdka ah ee deegaankaas.
Xubnihii Al-Shabaab ee ku sugnaa deegaankaasi ayaa isaga baxay halkaas, kadib markii ay ka war heleen gulufka kusoo wajahan.
Ciidamada isbaheysanaya ayaa haatan howlgallo ami xaqiijin ah ka wada halkaasi, ayada oo meel fagaare ah kula hadlay dadka deegaanka oo ay ka dalbadeen inay kala shaqeeyaan ammaanka.
Gobollada dhexe ee Galgaduud iyo Mudug ayaa waxaa haatan ka socda guluf dagaaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo lagu xoreeyay deegaano dhowr ah oo hoostaga Galmudug.
Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-