Ciidamada dowladda oo maanta howlgal ku dilay 26 ka tirsanaa Al-Shabaab

0

CAAD (SMN) – Ciidamada Xoogga dalka oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa Duqeyn ku dilay 26 ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo uu ku jiro horjoogihii kooxda watay.

 

Howlgalkaan oo ka dhacay Deegaanka Jeex-jeexa ee Koofurta Gobolka Mudug ayaa lagu beegsaday kooxdaan xalay xili ay isku dayeen in ay ka soo baxaan godadka ku yaalla halkaasi.

Dagaal xoog leh oo shalay ka dhacay deegaankaas ayaa ayaa sidoo kale looga dilay in ka badan 50 xubnood sida ay shaacisay dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale dhanka dowladda waxaa dagaalkaas looga dilay Abaanduulihii guutada 18-aad ee Gorgor Marxuum Cabdi Maxamed Suulnuug oo hoggaaminayay dagaalkaasi.

Mudug ayaa waxaa muddooyinkii u dambeeyay ka socday howlgallo culus oo ay iska kaashanayaan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuw dadka deegaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here