MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in lasoo afjaray weerarkii shalay galab Al-Shabaab ku qaadey saldhiga Godka Jilicow, oo hay’adda NISA ay maamusho.
War-Saxafadeed ay Wasaaradda Warfaafinta baahisay ayaa lagu sheegay in la toogtay dhamaan kuwii weerarka soo qaadey oo gaaraya 7, iyadoo dhanka ciidanka amniga uu soo gaarey khasaare balse aan la shaacin.
Weerarka ayaa dhacay saacado kadib markii dowladda dib u furtay wadooyinka qaar ee Muqdisho, oo mudo dhowr iyo 10 sano ah u xirnaa amni-darro.





