Ciidamada dowladda oo weeraray goob ay ku sugnaayeen Shabaab + Khasaaraha

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo xalay iyo maanta ay ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ay ka sameeyeen bariga gobolka Galgaduud ee bartamaha dalkeenna Soomaaliya.

 

Howlgalkan oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu beegsaday goob ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Shabaab, taas oo ku taalla deegaanka Ceel Xasan Cali oo u dhow Budbud.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay howlgalkaasi ku dileen ugu yaraan 6 ka mid ahaa xubnaha Al-Shabaab ee ku sugnaa xarunta la weeraray, sidoo kalena ay gacanta ku dhigeen Hubkii ay adeegsanayeen.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayaa bariga gobolka Galgaduud oo hoostaga dowlad goboleedka Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here