Ciidamada dowladda Soomaaliya howlgal ku dilay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab

0

JOWHAR (SMN) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ka sameeyeen gudaha deegaanka Ceel-qurac oo ku yaalla xadka u dhaxeeya goballada Galguduud iyo Shabeelaha dhexe.

 

Howlgalkan ayaa waxaa lagu beegsaday saldhig ay ku sugnaayeen Al-Shabaab oo ku yaalla halkaasi, sida ay shaacisay dowladda Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in howlgalkan oo ay fuliyeen ciidamada Gorgor lagu dilay in ka badan 30 ka tirsanaa Al-Shabaab oo isku uruursanayay halkaasi.

Sidoo kale dowladda ayaa sheegtay in howlgalkaas ay kusoo furatay hub iyo agab ciidan oo ay lahaayeen xubnaha Al-Shabaab ee lagu dilay weerarkaasi,

Xaaladda ayaa weli ah mid kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo culus ay ka socdaan inta u dhexeysa gobollada Galgaduud iyo Shabeelaha Dhexe ee Galmudug iyo HirShabelle.

Muddooyinkii u dambeeyay ayaa ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka wadeen koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here