Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo dhaq-dhaqaaqyo ka wada duleedka Xarardheere

0

Xarardheere, Mudug – Ciidanka Dowladda ee ku sugan magaalo xeebeedka Xarardheere ayaa bilaabay dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ballaaran oo la xiriira sugidda amniga, sida ay u sheegeen warbaahinta Shabelle masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada.

 

Howlgalladan ayaa lagu sheegay inay yihiin kuwa looga hortagayo weerarro suuragal ah oo ay kooxda Al-Shabaab qorsheyn karaan inay ku qaadaan magaalada, kaddib xaalad amni oo kacsan oo dhowaan laga dareemay gobolka.

Tallaabadan ayaa imaneysa maalmo uun kaddib dagaalkii culus ee ka dhacay magaalada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, halkaas oo Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen, taasoo sababtay khasaare naf iyo maalba leh oo labada dhinac ah.

Ciidamada ku sugan Xarardheere oo isugu jira Daraawiishta Galmudug iyo maleeshiyaadka deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda ayaa fariisimo cusub ka sameystay duleedka magaalada, si ay uga hortagaan wax kasta oo halis ku ah amniga dadka iyo deegaanka.

Masuuliyiinta maamulka Galmudug ayaa sheegay inay ka go’an tahay in laga hortago isku day walba oo ay Al-Shabaab ku carqaladeynayaan nabadda iyo xasiloonida deegaanka.

Waxaa la filayaa in howlgalada ay sii socdaan maalmaha soo socda, iyadoo ay ciidamada wadaan baaritaanno iyo guluf ciidan oo ballaaran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here