Ciidamada Federaalka iyo KGS oo howlgal ballaaran ka wada Shabeellaha Hoose

0

WANLAWEYN, Soomaaliya – Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) iyo kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa weli ka wada howlgal ballaaran deegaano iyo tuulooyin dhowr ah oo hoostaga degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo ujeedadu tahay qabashada rag maxkamad ciidan ku xukuntay dil toogasho.

 

Howlgalkan oo socday maalmo xiriir ah ayaa ka dhan ah xubno maleeshiyaad ah oo lagu eedeeyay dilal la sheegay inay salka ku hayeen aanooyin qabiil, kuwaas oo ka dhacay deegaano dhowr ah oo gobolka ka tirsan. Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa hore u ridday xukun dil ah raggaasi, kuwaas oo lagu tuhunsan yahay in ay ku lug lahaayeen dhimasho ka dhacday deegaanka.

Ciidamada ayaa howlgalka ka wada tuulooyinka Gabahirig, Gudaale, Riiglooy, Dooxada, Dudumaale iyo Yaaqbariweyne, kuwaas oo dhammaantood hoostaga degmada Wanlaweyn. Saraakiisha hoggaaminaysa howlgalka ayaa sheegay inay adeegsanayaan gaadiid dagaal oo culus, ayna ku socdaan raadin iyo baaritaan lagu baacsanayo maleeshiyaadka la doonayo.

Maalmo ka hor ayaa ciidamadu waxay isku dhaceen maleeshiyo hubeysan oo ku sugneyd deegaanka Yaaqbariweyne, waxaana jiray khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo labada dhinac soo kala gaaray. Inta lagu guda jiray howlgalka ayaa la xaqiijiyay dhimashada saddex qof, waxaana jirta cabsi ku saabsan in markale dagaal toos ah dhaco maadaama ciidamadu ay sii amba-qaadeen dhaq-dhaqaaqyada ay ku raadinayaan dadka la xukumay.

Wararka deegaanka laga helayo ayaa sheegaya in ragga la baadi-goobayo uu horkacayo nin lagu magacaabo Duqow, kaas oo la sheegay inuu hoggaanka u hayo kooxda maleeshiyaadka ah ee lagu eedeeyay falalka dilalka ah.

Maamulka Koonfur Galbeed iyo saraakiisha milatariga ayaa ku adkeysanaya in howlgalka uu soconayo ilaa laga soo qabto xubnaha maxkamaddu xukuntay, iyagoo shacabka deegaanka ugu baaqay inay ka wada shaqeeyaan sugidda amniga iyo soo afjaridda colaadaha soo noqnoqday ee gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here