Ciidamada Gorgor oo laga soo saaray gobolka Gedo iyo Sababta ka dambeysa

0

GARBAHAAREY (SMN) – Wararka laga helayo gobolka Gedo ayaa sheegaya in bilihii lasoo dhaafay ciidamada Gorgor si tartiib ah looga soo saaray deegaanadii ay kaga sugnaayeen gobolkaasi.

 

Macluumaadka la helayo ayaa sheegaya in amarka lagu soo raray ciidamadaas uu bixiyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kadibna sidaas lagu soo celiyay ciidamada.

Xildhibaan hore Maxamed Abuukar Aweys oo ka tirsanaa baarlamaanka Jubbaland ayaa xaqiijiyay in ciidamada Gorgor ay soo faarujiyeen dhamaan goobii ay ka joogeen Gedo.

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud isagaa amray in ay gobolka Gedo kasoo baxaan Ciidanka Gor gor” ayuu ku yiri wareysi uu Shabelle siiyay, Xildhibaan Maxamed Abuukar.

Halkan hoose ka daawo Wareysiga:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here