Ciidamada Itoobiya oo bilaabay inay canshuuro ka qaadaan shacabka Gedo

0

DOOLOW (SMN) – Ciidanka Itoobiya ee ku sugan gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya ayaa bilaabay inay canshuuro ka qaadaan shacabka ku dhaqan degmooyinka gobolkaasi, sida uu sheegay siyaasiga Idiris Xasan Faarax.

 

Siyaasigan oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa ku eedeeyay ciidamada Itoobiyaanka iyo saraakiishooda inay qaataan canshuuraha kasoo xarooda gobolka, taas ay saameyn ku yeelatay reer Gedo.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ciidamadan ay saameyn ku leeyihiin arrimaha gobolka, taasna ay keentay in maamullada degmooyinka ay ku xirmaan.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan Gedo ay ku sugan-yihiin ciidamada ugu badan ee ka socda dalka Itoobiya, kuwaas oo gacanta ku haya meelaha muhiimka ah oo ay ku jiraan garoomada diyaaradaha, waxaana muddo dheer ay ka howlgalayaan halkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here